Ururka Qiimeynta Soomaaliyeed (SOMES) wuxuu maanta sii waday ka qayb qaadashada Shirka 3-aad ee Qaran ee Dabagalka iyo Qiimeynta (SNMEC 2026), oo ka socda magaalada Muqdisho.
Maalinta labaad, SOMES waxay ka qayb qaadatay dood-wadaag (panel discussion) iyo wadahadal furan oo lagu falanqeeyay:
🔹 Doorka qiimeynta ee xoojinta siyaasadaha iyo go’aan-qaadashada dowladda
🔹 Sida xogta iyo caddaymaha loogu adeegsan karo qorshaynta iyo maalgelinta
🔹 Iskaashiga ka dhexeeya dowladda, bahwadaagta horumarinta iyo bulshada rayidka si loo dhiso nidaam qiimeyn oo Soomaaliyeed oo adag
Wadahadalladan waxay muujiyeen baahida loo qabo in la xoojiyo dhaqanka caddaymaha (evidence culture) iyo isla-xisaabtanka heer kasta oo hay’adaha ah.
SOMES waxay mahad u celinaysaa dhammaan ka qayb-galayaasha, waxayna sii wadi doontaa doorkeeda ah inay hormuud u noqoto qiimeynta tayada leh ee Soomaaliya.
#SNMEC2026 #EvidenceForResults #SOMES #Somalia #Mogadishu

























