Ururka Qiimeynta Soomaaliyeed (SOMES) wuxuu si firfircoon uga qayb galay Shirka 3-aad ee Qaran ee Dabagalka iyo Qiimeynta (SNMEC 2026), oo ka dhacay magaalada Muqdisho. 🇸🇴

Shirkan wuxuu isugu keenay khubaro, hay'adaha dowladda, bahwadaagta horumarinta iyo xirfadlayaasha qiimeynta. SOMES waxay ka qayb qaadatay doodaha, khudbadaha iyo falanqaynta ku saabsan:

✅ Adeegsiga xogta si go'aanno sax ah loo gaaro
✅ Qiimeynta waxqabadka iyo saameynta barnaamijyada
✅ Xoojinta isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta

SOMES waxay ka go'an tahay inay sii xoojiso dhaqanka qiimeynta ee Soomaaliya, si loo gaaro natiijooyin wax-ku-ool ah oo bulshada wax u taraya.

#SNMEC2026 #EvidenceForResults #Somalia #Mogadishu #SOMES