Bandhigga Cilmi-baarista Dhallinyarada: Wasaarada Qorshaynta iyo Haayada Qiimaynta Soomaaliyeed
Haayada qiimaynta Soomaaliyeed iyo Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Bandhigga Cilmi-baarista Dhallinyarada.
Bandhigani wuxuu qayb ka yahay dadaalada lagu dhiirrigelinayo in natiijooyinka cilmi-baarista laga faa’iideysto marka la dejinayo siyaasadaha iyo qorsheyaasha horumarinta dalka. Haayada SOMES waxay door farsamo iyo talobixin ku lahayd intii nidaamka xulista, kala saarista iyo award sintu dhacasey.
Shan cilmi-baare ayaa u soo baxay wareegga bandhigga. Afar ka mid ah ayaa daraasadahooda horgeeyay guddi qiimeyn oo ay ka mid ahaayeen khubaro ka socday Waaxda iyo Ururka Qiimeynta Soomaaliyeed (SoMES).
Waxaa kuu kaalmaha 1aad iyo 2aad ku kala guuleystey, Ifraax Mukhtar Xuseen oo ka socotay Jaamacadda Jamhuuriya kana hadlsasey daraasad ku saabsan tayada daryeelka dhalmada ka dib iyo sida ay haweenka Soomaaliyeed u helaan adeeggaas; iyo Abshir Cabdi Sheekh Maxamed oo ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed kana hadlayey daraasad ku saabsan cunista kalluunka iyo arrimaha saameeya cunistiisa ee dadka ku nool degmooyinka aan xeebta lahayn ee Gobolka Banaadir. Labada cilmi-baare ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinno.
Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaha Machadka Shaqaalaha Qaranka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Bashiir Cumar Ciise, Guddoomiyaha Jaamacadaha Gaarka loo Leeyahay, Mudane Cumar Cabdullahi Maxamed, Agaasimaha Guud ee Bulshada Rayidka, Mudane Maxamed Cadceed Cali, iyo Madaxweynaha SoMES, Mudane Maxamuud Cali Nuur. Waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay wakiillo ka socday jaamacadaha dalka iyo cilmi-baarayaal dhallinyaro ah.
Youth Research Exhibition: Ministry of Planning and Somali Evaluation Association
The Somali Evaluation Association (SoMES), in collaboration with the Monitoring and Evaluation Department of the Ministry of Planning, Investment and Economic Development, organised a Youth Research Exhibition in Mogadishu.
The exhibition was part of ongoing efforts to promote the use of research findings in informing national policies, strategies, and development plans. SoMES provided technical and advisory support throughout the research selection, screening, and award processes.
Five young researchers were shortlisted for the exhibition, four of whom presented their research findings to an evaluation panel comprising experts from the Ministry's Monitoring and Evaluation Department and the Somali Evaluation Association (SoMES).
The first and second positions were awarded to Ifrah Mukhtar Hussein from Jamhuriya University, who presented a study on the quality of postnatal care services and women's access to these services in Somalia; and Abshir Abdi Sheikh Mohamed from Somali National University, who presented research on fish consumption and the factors influencing fish consumption among residents of non-coastal districts in the Banaadir Region. Both researchers received awards in recognition of their research.
The event was attended by the Director of the National Institute of Public Administration at Somali National University, Dr. Bashir Omar Issa; the Chairperson of the Association of Private Universities, Mr. Omar Abdullahi Mohamed; the Director General of Civil Society, Mr. Mohamed Cadceed Ali; and the President of SoMES, Mr. Mahmoud Ali Noor. Representatives from universities across the country and young researchers also participated in the event.



















































